Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Xildhibaano loo diidey magaalada Ceel berde

Xildhibaano ka socda xidhibaanada federtalka somaliya ayaa loo diidey iney galaan magaalada ceelberde  ,kuwaasi oo beryahaanba ku sugnaa Magaalada Xudur.Magaalada ceelberde oo ah magaala madaxda maamulka Bakoolsare waxaa ku sugan xidhibaano ka soo jeeda deegaan kaasi ,oo qayb ka qaatay dhisidda maamulka bakoolsare oo dhowaan lagaga dhawaaqay deegaanadaasi.

Xildhibaanada manta loo diidey ceelberde waxay beryahan ku eedeynayeen in culshada samaysatay maamulkaasi aaney xaq u lahayn iney maamul samaystaan maadaama aaney deegaan ahaan aaney deganeyn degmooyinkaas oo ay yihiin dad dhowaan ka soo gudbey dhinaca Ethiopia.Xildhibaanada ceelberde ku suganina ay yihiin kuwo qas gelinaya Maamulka Koonfur Galbeed.,,

xidhibaanadaas manta loo diidey ceelberde oo ciidamada maamulka bakool sare iska hortaageen iney soo galaan magaaladaasi ayaa lagu sifeeyey iney u yimaadeen iney isku dir  ka dhex abuuraan bushada wada degan deegaanadaasi.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *