Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

xingalool oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay sarakishii dhowaan ka Soo gosatay ciidamada SNM

Xingalool oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay sarakishii dhowaan ka Soo gosatay ciidamada SNM

Gaashaanle Sare Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) iyo G/sare Xayle Xaaji Diraac oo kamid ah taliyaashii ciidamadooda kala soo baxay SNM ee ku soo biiray Puntland ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaalada Xiingalool ee gobolka Sanaag.

Taliyaasha oo ay weheliyaan saraakiil kale ayaa waxaa soo dhowayn diirran ku maamuusay maamulka degmada Xiingalool saraakiisha ciidamada Daraawiishta Puntland ee halkaasi ku sugan iyo boqollaal shacab ah oo  sita calanka Soomaaliya iyo kan Puntland.

Taliyaasha oo goob fagaara kula hadlay bulshada Xiingalool ayaa ka mahadceliyay soo dhowaynta loo sameeyay waxaana ay shacabka gobolka sanaag ugu baaqeen in ay adkaystaan  difaaca midnimada iyo wadajirkooda.

Sidoo kale mas’uuliyiin iyo waxgarad halkaasi ka hadlay ayaa  bogaadiyay tallaabada ay qaadeen taliyaashii ciidamadooda kala baxay Somaliland kadib markii lagu amray in ay weerar ku qaadaan degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Gaashaanle Sare Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) iyo G/sare Xayle Xaaji Diraac oo kamid ah taliyaashii ciidamadooda kala soo baxay Somaliland ee ku soo biiray Puntland ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaalada Xiingalool ee gobolka Sanaag.

Taliyaasha oo ay weheliyaan saraakiil kale ayaa waxaa soo dhowayn diirran ku maamuusay maamulka degmada Xiingalool saraakiisha ciidamada Daraawiishta Puntland ee halkaasi ku sugan iyo boqollaal shacab ah oo  sita calanka Soomaaliya iyo kan Puntland.

Taliyaasha oo goob fagaara kula hadlay bulshada Xiingalool ayaa ka mahadceliyay soo dhowaynta loo sameeyay waxaana ay shacabka gobolka sanaag ugu baaqeen in ay adkaystaan  difaaca midnimada iyo wadajirkooda.

Sidoo kale mas’uuliyiin iyo waxgarad halkaasi ka hadlay ayaa  bogaadiyay tallaabada ay qaadeen taliyaashii ciidamadooda kala baxay Somaliland kadib markii lagu amray in ay weerar ku qaadaan degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *