Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Xisbiga Kaah Oo Ku Horeeya Natiijada Hordhaca Ah Ee Degmada Ufeyn

Tirinta codbixinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmooyinka Qardho ,Ufeyn iyo Eyl ayaa intooda badan dhamaatay iyadoo lagu wado in lagu dhawaaqo natiijada doorashada.

Xisbiga KAAH ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu ku horeeyaa natiijada lagu dhawaaqay ee degmada Ufeyn,

Illaa hadda natiijada Ufeyn ee lagu dhawaaqay ayay xisbiyadu u kala heleen sidan;
Ururada ayaa natiijo hordhac ah ka helay codbixinta doorashada sida ay hordhac ahaan u shaaciyeen xubnaha Guddiga doorashooyinka ee kusugan Ufeyn.

Kaah 1687
Mideeye 1300
Sinaan iyo Cadaalad 1248
Mustaqbal 192
Horseed 180
Runcad 47
Shaqaalaha 13
Dhalinyarada 11
Ifiye 8

Waxaa jira codad lagu muransan yahay weli iyo kuwo xumaaday kuwaasoo weli Guddigu kala shaandheeynayo isla markaana hubin ku sameynayo.
Hase ahaatee wadarta Guud ee ka codaysay Ufeyn ayaa gaaraya 5366 iyadoo codadka ansaxa Noqday ay dhan yihiin 4739

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *