Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

xoghayaha arimaha dibadda ee dalka ingriiska ayaa ayaa booqasho ku yimid dalka somaliya ,kulanna la qaatay madaxweynaha somaliya xasan shiikh

Wefti uu hogaaminaayo wasiirka arimaha dibadda dalka Britain MR Hammond ayaa booqasho ku yimid dalaka somaliya wefigaasi oo uu madaxweynaha somaliya Xasan Shiikh ku qaabilaya Guriga madaxtooyada ee viilasomaliya.Madaxweynaha ayaa wafdiga uga xog waramey xaaladda waddanka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, dib u dhiska ciidammada iyo mahad celin ku saabsan taageerada Britain ee Soomaaliya.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain Mr Hammond ayaa ugu horeyn Madaxweynaha uga tacsiyeeyay geerida shacabkii xalay ku dhintay weerarkii Ambasador, waxaana uu intaa kadib soo dhoweeyay horumarka Soomaaliya ku tallaabsaneyso iyo dib u soo nooleynta hay’adaha dowliga.

Labada dhinac ayaa si qota dheer uga wadahadley iskaashiga dhinaca amniga, xoojinta barnaamijka dowladda ee la socodka nidaamka maaliyadda, taageerada barnaamijka isku dhafka ciidammada, iyo wadashaqeynta ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM iyo ciidammada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale wasiirka u xaqiijiyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sannadkan doorasho qabato, taas oo dhici doonta waqtiga loogu talagaley ee ah bisha August ee sannadkan 2016-ka. Waxaa uu Madaxweynaha ka codsadey Mr Hammmond inuu salaan iyo mahadnaq ka gaarsiiyo raiisal wasaaraha Britain.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *