Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Xukun lagu riday nin Ingiriiska u dhashay oo ku Xidhnaa Muqdisho

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta mar kale u fariisatay dhagaysiga Dacwadda Nin u dhashay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Brain Irlam  kaasi oo loo haystay khalkhal gelinta Amniga Garoonka Caalamiga ah Aadan Cabdulle Cismaan (Cadde).

Ninkan 48 sano jir ah ayaa waxa ay maxkamaddu sheegtay in lagu helay qodobka 34-aad ee xeerka nabad gelyada Qaranka,waxaana in muddo ah kujiray gacanta hay’adaha ammanka DFS oo baaritaano ku hayay kiiskiisa.

Maxakamadda Gobolka Banaadir ayaa ninkan ku xukuntay inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 7,000 oo lacagta Dollarka Mareykanka,islamarkaana waxaa soo gaba geboobay kiiska loo haystay Andrew Brain Irlam.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ee qaabilsan garoonka Aaadan cadde ayaa horay ninkani ugu soo qabtay 7 khasnadood iyo Jaakadaha aan xabbaddu karin, xilli uu u safrayey dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta.

Wuxuu Andrew Brain Irlam oo dhalasho kale ka heystay dalka Faransiiska uu horey ula shaqeyn jiray shirkadda SKA oo maamulaysay garoonka Aaadan cade.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *