Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Xukuumadda Soomaliya oo Qaaday Tallaabooyin Dhirbaaxo ku ah Kenya

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku wargelisay Hey’addaha UN-ka, Hey’adaha Deeq bixiyeyaasha iyo Iskaashiga Caalamiga in aanay ka qeyb geli doonin dhammaan shirarka, Siminaarada iyo Tababarada ee ka dhacaya Nairobi, waxaa ay ugu baaqday in shirarkaas iyo Siminaarada lagu qabto dalka gudihiisa ama loo bedelo dal kale, si Wakiiladda Wasaaradda ugu fududaato dhanka safarka.

Shirkii Golaha Wasiirada ayaa laga soo saaray go’aan ah in Wasaaradaha Xukuumadda inay ku wargeliyaan Hey’adaha ay bahwadaagta iyo wada shaqeynta leeyihiin in shirarkii lagu qaban jiray Nairobi laga raro, isla markaana loo wareejiyo magaalooyinka sida Kigali, Kampala iyo Addis Ababa.

Dawladda Kenya ayaa dhowaan Qaaday dhowr Tallaabo oo cadaadis lagu saarayo Xukuumadda Soomaaliya, waxayna sidoo kale Garoonka diyaaradaha ka celisay Masuuliyiin ka tirsan dawladda oo shir uga Qayb geli lahaa Nairobi,  Sidoo kale waxay Kenya soo celisay Baadhitaankii Diyaaraddaha  ee Wajeer.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *