Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

yusuf dabageed oo ka hadlay xil ka qaadistii lagu sameeyey

Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Xagar [Daba-geed] ayaa dhaliilay Qaabkii xilka looga qaaday, isagoo xusay inaan lagu war-gelin xil-ka-qaadistiisa uuna ka maqlay warbaahinta oo keliya.

Yuusuf Daba-geed, ayaa sheegay in xil-ka-qaadistiisa ay deg-deg ku jirtay, isla markaana aan la gaarin waqtigii madaxweynaha Hir-shabeelle uu xilal ka qaadi lahaa mas’uuliyiin, maadaama uu wali xafiis sameysan.

“Aniga xil-ka-qaadistayda waxaan ka maqlay warbaahinta, mana ahayn mid aan la socday. Madaxweynaha Hir-shabeelle waa Madaxweynihii Gobol, isla markaana inta xil ka qaado mas’uul wuu u magacaabi karaa mas’uul kale; laakiinse, aniga la iguma soo wargelin, waxaanan is-leeyahay waa mid lagu deg-degay,” ayuu yiri Dabageed.

Sidoo kale, Wuxuu sheegay inuu aamisan yahay in xilka looga qaaday dhawr arrimood oo kala dhaxeeya Madaxweynaha Hir-shabeelle, laakiinse uusan u ahayn xilligan diyaar inuu arrimahaas warbaahinta ka sheego.

“Xilka la iga qaaday xilligii uu dhici lahaa lama gaarin ayaa Qabaa, waayo Madaxweynaha Hir-shabeelle weli xafiis ma sameysan, marka waxaa anigu qabaa inuu ku dhacay si dhaqso badan,” ayuu intaas ku daray Daba-geed.

Dhanka kale, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, Ayaan sheegin inuu aqbalay xilkii laga qaaday iyo in kale, wuxuuse xusay inuu mar kale ka hadli doono sababaha keenay in xilka laga qaado.

Ugu dambeyn, Hadalka Daba-geed ayaa imaanaya, iyadoo uu shalay Madaxweynaha Hir-shabeelle xilkii ka qaaday, isla markaana uu KMG ah Xilkaas ugu magacaabay, Cali Jeyte Cusmaan.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *