Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

waraysi/ aqoonyahan weli farax ,is fahan waaga siyaasadeed ee siyaasiyiinta somaliyeed, qalalaasaha maamul goboleedada dhexdooda iyo mustaqbal xumada jubaland

   Waraysigan uu Aqoonyahan Weli Farax siiyey Golaha1960  wuxuu ku sharaxay is fahan waaga ka dhex aloosan siyaasiyiinta Somaliyeed oo inta badan ka dhalata fikir kala duwaanshaha iyo awood maraoorsiga masuuliyiinta sare ee dalka iyo sidoo kale in siyaasi kasta oo somaliya oo aan markaa kursi ku fadhiyin ku fikiro sidii aaney u hanaqaadin siyaasada iyo wax qabadka cidda markaa xukunka haysaa.  Sidoo kale wuxuu xusay dhibaatooyinka ka dhacay Maamulada S/land iyo Puntland  cawaaqib xumada ka dhalatay is afgarad la’aantii madaxdooda  iyo mustaqbal xumada maamulka jubaland iyo ficilada khaldan ee ay samaynayaan madaxda Jubbaland , aqoonsi la’aanta dowlada federalka iyo kursi jacaylka Axmed islan ( axamed Madoobe)  iyo arimo badan oo kale.  Sidoo kale Aqoonyahanku wuxuu xusay dhibaatooyinka ay qabyaaladu keento marka dhinaca siyaasadda laga eego ,taasoo ay inta badan siyaasiyiintu ku awr kacsadaan qabiilkooda marka ay ku qanciwaayaan ama danahooda ka dhexwaayaan masuuliyiinta markaasi xukunka haysa.

Weriye Dhegood

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *