Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

waraysi/ danjire c/kariin ow cali,shirkii madaxweyne farmaajo iyo muse biixi, majara habaabinta farmaajo ee midowgii somalida ee 1960, burburinta dowlad goboleedada

     Waraysigan  uu siiyey Danjire C/kariin Ow Cali Golaha1960 iyo Websydhada ay wadashaqeeyaan wuxuu kaga waramay shirkii ku dhexmaray madaxweyne Maxamed  C/llahi Farmaajo iyo Madaxweynaha maamulka S/land Muse Bixi  Magaalada addis-ababa ee dalka Itoobiya  ,kaasi oo uu ku macneeyey dembi uu Farmaajo ka galay kursiga Madaxweyne nimo ee somalidu ku aamintey ,Sidoo kale Wuxuu sheegay Danjiruhu in Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo uu majara habaabin ku sameeyey Taariikhdii Midowga Goboladii Xoriyadooda ka qaatay gumeysiga 1960 iyo halgankii u dagaalanka xoriyada uuna ka xaqiray ururkii U S P oo Midnimadii Labada gobol  masuul ka ahaa uu na sii siiyey xuquuqdaas dadkii ka soo horjeedey Midowga dalka.

Sidoo kale Danjiruhu Wuxuu ku dheeraaday Raali gelintii uu madaxweynuhu siiyey ururkii S N M   . Sidoo kale wuxuu Dowlada ku eedeeyey Iney burburisay dowlad goboleedadii dhisnaa wax ay dalka ka qabatayna aaney jirin iyo arimo badan oo kale.

Weriye Dhegood

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *