Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

waraysi/ eng cabdinasir cisman dhalac oo ka waramay guuldaradii iyo fadeexaddii gooni u goosadka s/land kaga dhacday dalka maraykanka

  Waraysigan uu siiyey Eng Cabdinasir Cisman Dhalac Golaha1960 iyo Websaydhada ay wada shaqeeyaan wuxuu kaga waramay GUUL DARADII iyo FADEEXADII kaga dhacday kooxdii gooni u goosadka ahayd ee u ololeyneysey in magaalada yar ee Clarkston City, ee ku taala gobolka Georgia dalka Maraykanka ay aqoonsato dal layiraahdo S/land. kooxdaasi oo warar been ah u gudbiyey madaxda magaaladaasi iyada oo uu hogaaminaayey dadkaas wakiilka Somaliga ah ee Somalidu dooratay .

balse dadka jecel dadka iyo dalka Somaliya midnimadiisa iyo jiritaanka somaliya iyagoon u kala hadhin dhamaan dadka somalida ee degan gobolkaasi Georgia  waxay ku guuleysteen iney beeniyaan wararkii been abuurka ahaa ee loo geeyey madaxda magaaladaasi yar ee Clarkston city waxayna guushii ku soo dhamaatay  in dhamaan madaxda Magaaladaasi ay cadeeyaan iney midnimada somaliya  muqadas tahay ,ayna aqoonsan yihiin madax banaanida iyo dowladnimada somaliya ,raali gelina ay ka bixiyeen go’aankoodii hore ee khaldanaa.

Weriye Dhegood

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *