Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

waraysi/ wasiirka deegaanka,beeraha iyo cimilada puntland ismaciil dhegaweyne, socdaalkii kiiniya iyo talyaaniga,dalagyada beeraha somaliya,mashaariida bangiga aduunka ,dhiraynta iyo roobabkii Gu’ga

  Waraysigan uu siiyey Wasiirka Deegaanka, beeraha iyo isbedelka cimilada  ee Puntland Ismacil Gamadiid (dhegaweyne) oo ka hadlay shirar uu kaga qayb galay dalalka Kiiniya iyo Talyaaniga .Socdaalkaasi oo uu kula kumay dhowr iyo toban ha’yadood ,Safaarado iyo carwo caalami ah oo lagu qabtay dalka Talyaaniga taasi oo ay isugu yimaadeen dalal badan .Carwadaasi oo dal waliba  ku soo bandhigay dalagyada ugu muhiimsan beeraha dalkaasi.

Weftigaasi uu hogaaminayey Wasiir ismacil dhegaweyne oo ay ku jireen ganacsato somaliyeed oo dhinaca Beeraha ah kuwaasoo Carwadaasi ku soo bandhigay AFAR DALAG   sida Sisinta,Muuska, Liin dhanaanta iyo Cambaha dalagyadaasi oo dowladihii iyo ganacsatadii ka soo qaybgalay carwadaasi aad u soo jiitey ayna balan qaadeen in ay iibsan doonaan maalgashandoonaana.

Sidoo kale Wasiirku wuxuu ka hadlay Mashaariic badan oo soamliya caalamku wax ka qabandoono .Sidoo kale waxuu ku dheeraa dhirayntii laga sameeyey Puntland bishii April iyo ilaalinta deegaanku faaiidada ay leeyihiin.

Weriye Dhegood

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *