Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

waraysi/Dr maxamud maxamed culusow, waa maxay sababaha hortaagan in dadka somaliyeed dhistan dowlad dhab ah.

  Waraysigan uu siiyey Dr Maxamud Maxamed Culusow Goalah1960 iyo Websaydhada ay wadashaqeeyaan wuxuu ku balbalariyey  Sababaha hortaagan in Dadka  Somaliyeed dhistaan dowlad hanata baahiyaha ,xuduudaha iyo dhisid dowlad rukumo adag ku taagan.

Dr Culusow  wuxuu sheegay in dadka somaliyeed aaney u diyaarsanayn dhisid dowlad rasmi ah aqoon ahaan maadaama ay isku khilaafsanaayeen in dadka somaliyeed hanan karaan dhisid dowladnimo. iyo dadka somaliyeed oo aaney intooda badani garanba waxa ay ka rabaan dowlada marka laga eego danaha guud iyo danaha gaarka ah taasoo qabyaaladuna sal u ahayd.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladihii kala dambeeyey ay duunyadu u arkeysy kuwo ka dheereynaya awoodooda dowladnimo . burbukiina weydey dowlado waaweyn oo gacan qabta ,dagaaladii sokeeye oo abuuray kala fogaansho bulshada dhexdeeda ah, isbedelka uu keenay dastuurka cusub ee federalku , urur diimeedadii kala dambeeyey iyo dowladaha deriska ah oo dano gaara ka leh somaliya iyo arimo badan oo kale. Ha moogaan oo dhuux ereyada Dr CULUSOW.

Weriye Dhegood

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *