Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Magaalada cadaado oo dagaal ku dhexmaray ciidamo laba ciidan oo mid loo qaybinayey mushahar kuwa kalena ku qamaameen

Xaaladda Magaalada Cadaado Ee Gobolka Galgaduud oo ay ku Dagaalameen Ciidamo ka wada tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa degan,kadib markii uu istaagay Iska hor imaad Duledka Magaalada Cadaado ku dhexmaray Ciidamada Xoogga Dalka .Balse ah ciidamada galmudug

Dagaalka ayaa yimid ka dib Markii Ciidamo ka tirsan Milatariga gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad oo Mushaar loo qeybinayo ay Weerar ku qaadeen Ciidan kale oo Milatari ah.

Illaa Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Dagaalka ku Geeriyootay,iyadoo dhaawacu uu gaarayo ilaa 6 kale.

Mas’uuliyiinta Galmudug ayaa sheegay in Xaaladda Magaalada hadda ay degan tahay islamarkaana uu istaagay Dagaalkii dhexmaray Ciidamada ka wada tirsan Milatariga Soomaaliya

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *