Golaha Shacabka Soomaaliyeed 1960, waa gole u furan wacyigelin iyo waano is-farid ay isku weydaarsadaan muwaaddiniinta Soomaaliyeed hadday noqoto qurbe-joog iyo qolqol-joog labada. Waxa badanaa lagu marti qaadaa aqoonyahanno, siyaasiyiin, isimmo, waxgarad iyo indheer garad Soomaaliyeed oo kala geddisan.

Sida magacu ka duulayo, Golaha 1960 cid goonniya uma furna, dhammaan ummadda Soomaaliyeed waa u furan yahay. Qabiil iyo qabyaalad waa ka reebban yahay golahani.

Galaha 1960 waxa ka baxa waraysiyo, barnaamijyo iyo dood xiisa badan. Barnaamijyada sida gaarka ah loo xiiseeyo kala soco Golaha maalin walba.

Dhanka xiriirka nagala soo xiriir oo buuxi Contact form-ka, taabo dunta (link-ga) kore.

Sidaa iyo wada shaqayn wacan.

Mahadsanidin.