Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Maamulka PUNTLAND oo Ka hor yimid Xeerkii DF Soomaaliya ay Meel-marisay

Maamulka Puntland ayaa ka soo horjeestay sharciga Doorashooyinka iyo kan Axsaabta Siyaasadda ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Puntland ayaa lagu sheegay inay ka soo horjeedaan go’aanada aan waafaqsaneyn Dastuurka ee ay Xukuumadda Federaalka ku tallaabsatay.

“Dowladda Puntland waxay ka digeysaa  ficilada Madaxda dowladda Federaalka isku gaar yeeleyso talada iyo go’aanasa Masiiriga ah ee dalka, sida geeddi socodka dhameystirka Dastuurka, hannaanka xasilinta iyo Amniga dalka, qeybsiga awoodaha iyo kheyraadka dalka, doorashooyinka iyo dhismaha Cadaaladda”ayaa lagu yidhi War saxaafadeedka.

Go’aanka Puntland kaga soo horjeesatay tallaabooyinka dowladda Federaalka qaaday ee la xidhiidha sharciga doorashooyinka iyo sharciyada kale ee dalka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maalinya Sabtida uu ka furmayo Garoowe shir wadatashi ay leeyihiin dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *