Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

R/wasaare Khayre oo magacaabay Guddi Cusub oo Wasiiro ah [Warbixin]

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta magacaabay guddi cusub oo ka shaqeeya dhamays-tirka qorshaha deyn cafita dalka oo meel gebogebo ah maraya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda ayaa guddoomiye looga dhigay guddiga oo ay xubno ka yihiin wasiirrada Maaliyadda, Boostada, Kalluumaysiga, qorshaynta, dekadaha, wasiiru dowlaha Maaliyadda iyo guddoomiyaha Bangiga dhexe.

Guddiga ayaa labadii todobaadba mar waxa ay yeelanayaan kulan looga hadlayo meesha uu marayo qorshaha dayn cafinta dalka iyo dardar gelintiisa si ugu dambayn dalka daynta looga cafiyo.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa Mudooyinkii dambe Dedaal Xoogan ku Bixisay Sidii Soomaaliya daynta looga Cafin lahaa, Arintaasi oo u Gogol Xaadhaysa sidii dalku uu mar kale Cagihiisa ugu istaagi lahaa, Islamarkaana u heli lahaa Maalgelin Cusub  iyo Dib u dhiska Kaabayaasha dhaqaallaha dalka.

Khayre ayaa dhowaan dalka Maraykanka uga Qayb galay Kulamo muhiim ah oo Arintaasi looga hadlay, Barnaamijka Dayn Cafinta ee Soomaaliya.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *