Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Gudoomiyihii Gudiga Xalinta Khilaafka Dooashada oo Muqdisho ku Geeriyooday

Alle ha u naxariisto waxaa Caawa Cisbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Guddoomiyihii guddiga xalinta Khilaafaadka doorashooyinka heer federaal Cabdulaahi Abyan Nuur.

Xubin ka mid ah guddiga oo la hadlay warbaahinta ayaa Xaqiijiyay in guddoomiyaha uu maalmahii dambe xanuunsanaa.

Raysal wasaare Rooble ayaa Tacsi ka diray   Geerida ku timid   Gudoomiye Abyan. “ Naxariistii Janno Allaha siiyo Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee Dalka marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo Muqdisho ku geeriyooday.

Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, marxuumkana Jannadii Firdows Eebbe ha ugu deeqo”.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *