Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweynaha p/land oo u ambabaxay muqdisho

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta amaba baxay Magaalada Boosaaso xarunta Ganacsiga Puntland.isaga oo ku sii jeeda magaalada muqdisho oo la filaayo in shirka dhoco dhowaan.

Madaxweynaha  iyo wafdga i uu hogaaminayay ayaa inta aanay ka dhoofin garoonka diyaaradaha Boosaaso waxa uu kula sii hadlay Warbaahinta isagoo faah fahain ka bixiyay safarka uu kaga dhoofayo Boosaaso.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho gaadhayaan, halkaas oo ay kaga qeyb gali doonaan kulamo ku aadan doorashada dalka ka dheceysa dhowaan, isagoo intaas ku daray in ay kulamo la qaadan doonaan madaxda halkaas ku sugan .waxaa la og yahay  in go”aamadii ku saabsanaa qaabka loogu tala galay doorashada 2016 in ay baarlamaanku wax ka bedeleen ,waxyaalo kalena ay ku soo kordhiyeen.sidoo kale wararka sheegaya in baarlamanka DFS Qorsheynayo wax ka bedelka heshiiskii Puntland iyo federaalka ku kala sixiixdeen magaalada Garoowe kaas oo aaney marnaba aqbali doonin Puntland.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *