wasiirka arimaha dibada somaliya ayaa sheegay iney ciidamada amison sii joogi doonaan somaliya
|Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya oo ka qeyb galayay shirka wasiiradaArimaha Dibadda wadamada Afrika oo ka dhacay dalka Rwanda ayaa waxa uu sheegay in xilligan aysan suuragal aheyn in ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay ka baxaan dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka Miltariga Soomaaliya iyo kuwa Nabad Sugidda ay hada awood leeyihiin laakiin weli aysan gaadhin isku filnaasho buuxda.oo xagga qalabka ay u baahan yihiin ah
Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay dalka ka bixi doonaan marka ay isku filnaasho gaaraan ciidanka xoogga dalka somaliyeed
Isagoo hadalkiisa sii wata Wasiirku waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan udulqaadan doonin in ciidamada AMISOM ay Tacadiyo ugeystaan shacabka Soomaaliyeed.taa had iyo jeer lagu ee deeyo KUFSI ay kula kacaan Gabdhaha Somaliyeed.
Dowladda Ugand oo ah dowladda ugu badan ee ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya ayaa dhowaan shaacisay in ciidamadeeda ay kala bixi doonto Soomaaliya dhamaadka sanadka 2017-ka.Balse waxa uu sheegay Taliyaha ciidanka xoogga dalka somaliyeed iney somalidu la wareegi doonto dhulka ay ka baxaan ciidamadaasi