Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga oo booqasho ku yimid magaalada muqdisho

22 Feb 2018 (Puntlandes) Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Hakan Jaush Ogolo ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho,waxaana si weyn loogu soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.

39a

Mas’uuliyiin Dowladda ka tirsan oo uu horkacayo Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Garoonka diyaaradaha Adan cade ku soo dhoweeyay Ra’iisal wasaare kuxigeenka dalka Turkiga iyo Wafdiga uu hogaaminayo.

Soo dhoweyn ka dib,Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Turkiga Hakan Jaush Ogolo ayaa booqanaya saldhiga Militari ee Turkiga uu ku tababaro Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku yaalo deegaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho.

Sidoo kale,Ra’iisal wasaare Ku-xigeenka dalka Turkiga ayaa inta uu ku sugan magaalada Muqdisho la kulmi doono madaxda Dowladda Soomaaliya.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *