Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweyne axmed madoobe oo dib uGu laabtay kismaayo ka dibna kinya u duulay

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa goorsii horaysay soo gaaray Magaalada Kismaayo, Balse Madaxwayne Axmed  ayaa isla Garoonka Diyaaradaha Magaalda Kismaayo ka laabtay isagoona u dhoofay Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

Socdaalkan degdega ah ee uu Kenya ugu ambabaxay Madaxwayne Axmed Islaam ayaa la sheegay  in uu yahay casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxda sare ee dalkaas.

Madaxwaynaha ayaa safarkiisa lagu sababeeyay laba arimood oo kala ah in tacsi uu u aaday dalkaas uu kaga tacsiyeynaayo askartii kaga dhimatay  Dagaalkii deegaanka Qooqaani ee Gobolka Jubada Hoose iyo adkeynta xiriirka u dhaxeyo Jubbaland iyo Kenya oo kaalin weyn ku leh suguda amaanka ee goobaha nabdoon ee Jubbaland.

Madaxwayne Axmed Islaam safarkisa ayaa la sheegay in uu qaadan doono muddo laba maalmood kadibne uu Kismaayo dib ugu soo laaban doono.

Wali Madaxweynaha Jubbaland waxaa u xayiran munasabadii heshiiska Beel ka mid ah Beelaha daga Jubbalaan  kaasi oo aan wali la saxiixin balse la isku afgartay in la fuliyo dhamaan qodabadi ay soo jeediyen Besha.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *