Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay inay taageerayaan go’aanada odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan, kadib markii uu natiijo la’aan ku dhamaaday kulan shalay ku dhex maray Beledweyn Odayaasha dhaqanka iyo wafdi ka socday Urur goboleedka IGAD.

“Waxa ka socda dalka ayaa Gobolka Hiiraan iyo dadkiisa wax ku leeyihiin, si kasta oo loogu tacdiyo odayaasha dhaqanka, waxaan aaminsanahay in kaalintooda tahay in dulmiga Muqdisho laga maleegayo in la hor-istaago anagana waa ku garab taaganahay”ayuu yiri Xildhibaan Goodax

Wafti ururka IGAD ah oo ay hoggaaminayeen Danjire Maxamed Cabdi Afey iyo Gen. Gabre ayaa shalay kulan saacado badan qaatay la yeeshay Odayaasha reer Hiiraan, kuwaasoo ka soo horjeeda shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Kulanka ayaa ku dhamaaday is faham la’aan, kadib markii odayaasha reer Hiiraan ay shuruudo la mid ah kuwii  ay horay u hor-dhigeen dowladda Soomaaliya u gudbiyeen Wafdiga IGAD.

Intaas kadib wafdiga IGAD ayaa sheegay in aanay macquul aheyn in la kala reebo Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana ay muddo shan maalmood u qabteen odayaasha dhaqanka inay kaga soo fiirsadaan qodobo ay u hordhigeen oo ah in shirka Jowhar la sii wado, isla markaana aan meelna looga hareyn dhismaha Maamulada federaalka.

igad4

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *