Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Qarax gaadhi laga soo buuxiyey ayaa geystey dhimasho iyo dhaawac magaalada muqdisho

sawirka golahaQarax balaaran oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababay ugu yaraan 25-qof oo  ku dhintay, 43-ruux oo kalena way ku dhaawacmeen, qarax ismiidaamin ahaa oo barqonimadii maanta ka dhacay Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Somalia ee Muqdisho iyo Hoteelka SYL oo Villa Somalia kasoo hor-jeeda. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] ayaa qaraxaan kaddib u sheegay saxaafadda in wasiirro iyo xildhibaanno uu isagu ka mid yahay ay kasoo gaareen dhaawacyo kala duwan qaraxa. Sidoo kale, Wasiir Maareeye ayaa intaas ku daray in Xilligaas ay Hoteelka SYL ka Socdeen laba shir oo midkood uu ahaa shir ay lahaayeen Xildhibaannada ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in ciidanka Amniga ay Rasaas ku fureen Baabuurka ka hor intii uusan qarxin.Wasiirrada iyo xildhibaannada ku dhaawacmay Qaraxaan ayaa waxaa ka mid ahaa: Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka, Nuur Faarax Xirsi, Wasiir u dowlaha Wasaarada Gaashaandhigga, Maxamed Cali Xagaa, Xildhibaanad Koos, Daheeye iyo xildhibaanno kale, kuwaasoo dhan tiro ahaan labaatan xildhibaan. Qaraxan ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegatay Al-shabaab, iyagoo sheegay inay weerareen Hotel SYL oo kasoo horjeeda madaxtooyada, kaasoo ay sheegeen inay ka socdeen shirar ay ku tilmaameen kuwo shirqoollo ah. Dhanka kalebaabuurka  oo xawaare dheereynaya ku socnaayey ayaa ciidamada ilaaladu  rasaas digniin ahayd ay hawada ugu rideen, balse markii uu joogsan waayeyna waa uu qarxay

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *