Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah Xarunta Madaxtooyada uga furay shirka Madasha Qaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

Shirka ayaa waxaa goob joog ka ah Madaxda dowladda, Madaxda maamul goboleedyada oo intooda badan shalay soo gaaray Muqdisho, Wasiirada iyo xubno ka socday Beesha Caalamka.

Shirka ayaa looga hadlayaa dhameystirka arrimaha doorashooyinka iyo tabasho ka timid go’aanadii ka soo baxay shirkii bishii hore ka dhacay Muqdisho.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee Madasha Wada-tashiga Qaran yeelato, waxaana la filayaa in go’aanada ka soo baxa ay noqdaan kuwo lagu sii wado hanaanka doorashooyinka ee uu dalka galayo dhowaan

Shirkan oo ah kii uGu dambeeyey ayaa laga hadlayaa dhaqaalaha ay bixiyeen dowladaha somaliya caawiyaa ee loogu tala galay doorashada,sidoo kale waxaa lagaga hadlayaa sidii looga tashan lahaa xildhibaanada suuqa laga soo ururiyo sidii laga yeeli lahaa oo had iyo jeer uraranka somaliya gudaheeda ah qaybta uGu weyn ah kuwaasoo aan cidna metelin laguna tilmaamo iney gobolada dirta woqooyi metelaan .

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *