Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweynihii hore somaliya sheikh shariif ayaa aad loogu soo dhoweeyey magaalada muqdisho.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdusho, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Sheekh Shariif ayaa diyaarad gaara ah ka soo qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana soo dhoweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Siyaasiyiin, Mas’uuliyiin, odayaal dhaqameedyo iyo Haween.

Diyaar garowga soo dhoweynta Madaxweynihii hore ayaa tan iyo shalay laga dareemayay magaalada Muqdisho oo dhan, iyadoo sawirro soo dhoweyn ah la suray waddooyinka qaar.

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho uga dhawaaqo Ololihiisa Musharaxnimada.

Sheekh Shariif ayaa waxaa ammaankiisa sugi doona Ciidamada AMISOM iyo ciidamo gaar ah, waxaana uu noqonayaa musharaxii u horeeyay ee ay ilaaliyaan ciidanka AMISOM.

Madaxweyne Shariif ayaa ugu dambeysay magaalada Muqdisho afar sano ka hor, gaar ahaan sanadkii 2012, xilligaasoo looga adkaaday doorashadii Madaxweynaha, waxaa hada lagu tirinayaa Musharaxiinta ugu cad cad doorashada Madaxweynaha ee dhowaan dalka ka dhici doonta.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *