Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

ururada iyo wadamada arimaha somaliya daneeya oo war qoraala ka soo saaray dib u dhaca ku yimid doorashada 2016

War kasoo baxay  Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur Goboleedka IGAD, Boqortooyada Engriiska, iyo Mareynkanka ayaa lagu sheegay in ay markale uusan dib u dhac ku imaan doonin Doorashada Soomaaliya, oo Bisha November ee soo socota aysan ka dib mari doonin.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale Madaxda Dowladda Soomaaliya ugu baaqday in ay ilaaliyaan waqtiga Doorashada, waxayna ku taliyeen in Doorashada Aqalka Sare, Aqalka Hoose iyo tan Madaxweynahaay muhiim tahay in ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay.

Xubnaha Beesha Caalamka  ayaa horey u sheegay in ay bixiyeen Boqolkiiba Lixdan lacagta ku bixi laheyd Doorashada Soomaaliya, iyagoo sidoo kale codsaday in Doorasho xalaal ah oo ay ku wada qanacsan yihiin bulshada Soomaaliyeed in ay dalka ka dhacdo.

Soomaaliya waxa ay galaysaa waqti kala guur ah waxaana lagu wadaa in dalka ay ka dhacaan Doorashooyin Bilaha October iyo November.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhegey) oo shalay warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay Doorashada Aqalka Sare in ay dhici doonto 5-ta October, Mid Baarlamaankana ay dhici doonto 10-ka ilaa iyo 23-ka November, madaxweynuhuna 30 Nofambar

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *