Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland oo booqday degaanno dhawra

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland oo tiradooda gaareyso ilaa 15 xildhibaan oomaanta booqdey deegaanada Goobweyn, Yoontooy iyo Sabca Asharaaf(Qaam-Qaam) ayaa ka deyriyey xaalada bini’aadanimo ee ka jirta halkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Jubbaland Cabdi Baaleey ayaa sheegey in aysan suurtogal ahayn in dadka ay sidan xaaladooda ahaato, islamarkaasina hey’ado tiro badan ay iska fadhiyaan magaalada Kismaayo.

“Waxaan ku baaqayaa in wasaaradda arrimaha gudaha iyo tan qorsheynta ay ruqsadaha kala laabtaan hey’adaha haddii aysan waxbo u qabaynin shacabka tabaaleysan”. ayuu yiri Cabdi Baaley.

Guddoomiyaha guddiga habdhawrka baarlamaanka Bashiir Maxamed Baahale ayaa sheegey in baarlamaanka ay warbixin kusoo celin doonaan, kadibna go’aano lasoo saari doono hey’adaha, iyada oo laga talo galinayo golaha fulinta.

Inta badan degmooyinka gobolka Jubbada Hoose ayaan ha’yadaha samafalku waxbadan ka qaban.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *