Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Ciidanka Sirdoonka oo Masjid ku yaalla Suuqa Bakaaraha kala baxay iimaamkii

Ciidamadda Sirdoonka Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabay Iimaamka Masjidka Abu Hureyra oo ku yaal suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Baadhitaan ay ciidamada amniga ka sameeyeen gudaha Masaajidka gelinkii dambe ee maanta ayaa waxaa ay ugu dambeyntii ka kaxeysteen masaajidka Iimaamka masjidka oo magaciisa lagu sheegay Macalin Cabdiraxmaan Guure.

“Ciidamo ayaa gudaha u soo galay masjidka waxayna baaritaano ku sameeyeen jameecadii Masjidka ku tukatay salaada casir kadib waxayna wateen iimaamkii masjidka,”ayuu yiri mid ka mid ah jameecada masjidka Abu-Hureyra ee Suuq Bakaaraha.

Ciidamada dowladda Sooomaaliya ayaa maalmihii ugu danbeeyayba howlgalo ka waday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada sirdoonka iyadoo uu howlgalkan ka duwanaa kuwii hore ay ciidamadu ka sameyn jireen magaalada Muqdisho.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *