Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

afgembi dhicisoobay ayaa ka dhacay dalka turkiga waxaa la shaaciyey sarkaalkii watey af gembigaas

Af gembi ay ciidamadu hogaaminayeen ayaa ka dhacay dalka Turkiga,kaasi oo fashimay markii ay ku guulaysan waayeen iney qabsadaan xarunta nabad sugidda ,taasi oo keentay iney laga adkaaday ciidamadii rabay afgembiga .haba wakhtigii afgemigu bilowday madaxweynaha dalkaasi waa uu ka maqnaa caasimadda. Qaar ka mid ah ciidamadii iyo saraakiisii hogaamineysay isku dayga afgambiga ee Fashilmay ayaa xabsiga la dhigay, waxaana la sheegay in ay gaarayaan 754 oo isugu jira Saraakiil iyo Ciidan.

Sidoo kale waxaa weli la baadi goobayaa Saraakiil kale oo ku lug lahaa sida la sheegay Afgambiga dhicisoobay kuwaasi oo la sheegay iney yihiin baxsad.

Madaxweynaha Dalka Turkiga ayaa hada shir guddoominaya shir deg deg ah oo uu isugu yeeray Golihiisa Wasiirada, kaa soo looga hadlayo xaalada soo food saaray Turkiga.

Sidoo kale waxaa shirkan deg deg ah loogu hadlayaa sida loo wajahayo wixii ka hacay dalka Turkiga.

Shacabka Dowlada Turkiga oo ay weheliyaan Booliska iyo Sirdoonka ayaa xalay bilaabay inay xir xiraan ciidamadii ka qeyb qaadanayay isku dayga afgambiga fashilmay, waxaana shacabka reer Turkiga ay muujiyeen geesinimo oo ay ku bad baadiyeen dowladooda

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *