Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Ahlu-suna oo Welwel Cusub ka Qabta Heshiiskii ay la gashay DF-Somaliya

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Xubnaha Hoggaanka Ahlusuna ahna Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa shaki geliyay heshiiskii dowladda Federaalka ay la galeen, isagoo su’aal ka keenay dhaq dhaqaaqyo ka socda Dhuusamareeb iyo qorshayaal ay wado dowladda Federaalka ee la xiriira howlaha maamul dhisida Galmudug.

Qoraal ka soo baxay Sheekh Shaakir oo loo diray Ra’iisul Wasaare Kheyre, laguna ogeysiiyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ergeyga Qaramada Midoobey ayaa looga dalbaday inay jawaab degdeg ah looga keeno arrimo socda oo ka baxsan heshiiskii horay ay Ahlusuna ula gashay dowladda Federaalka, gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraalka oo ku taariikheysan 5-ta bisha Agosto ayaa lagu sheegay inay dhaceen arrimo xadgudub heshiiskii ay la galeen, sida magacaabida Taliyeyaal ciidan aan ku jirin heshiiskooda, ku soo gurid Ciidamo dheeraad ah oo ka baxsan Heshiiskii, hadal heyn ah in Ciidamo Ajnabi iyo kuwa ka socda dowladda Federaalka, howlgalo iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka baxsan ciidankii isku dhafka ahaa.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Saraakiishii Ahlusuna ee lagu heshiiyay in la siiyo darajooyin oo aan weli la sharciyeyn, taasna ay niyad jab ku tahay ciidanka.

Sidoo kale waxaa looga dalbaday Ra’iisul Wasaaraha in bulshada qeybaheeda kala duwan ay ka sugayaan balan-qaadyadii uu u sameeyay, booqashadii uu ku tagay deegaanada Galmudug.

Ugu dambeyn waxaa loogu baaqay Ra’iisul Wasaaraha inuu faragelin degdeg ah ku sameeyo xaaladaha soo kordhay, ayna keeni karto xadgudub balan ka baxyo arrimaha qoraalka ku xusan ee ay walaaca badan uga muujiyeen dhaq dhaqaaqyada socda.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *