Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Al-Shabaab Oo Sheegatay Qaraxii Ay ku Bur-birisay Masaajid iyo Dugsi Qur’aan Oo ka Dhacay Hawlwadaag.(Sawiro)

Kooxda Al-Shabaab ayaa goor dhow sheegatay weerar ismiidaamin ah oo maanta barqadii lagu qaaday xarunta degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay afaafka hore ee xarunta degmada, waxaana qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan uu gilgilay magaalada oo idil.

Qoraal kooban oo lagu qoray baraha Internetka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in camaliyad istish-haadi ah (Weerar Isqarxin) ay la beegsadeen xarunta maamulka degmada Howlwadaag, kaasoo ay sheegteen in Khasaare ugu geysteen cadawga.

Wararka ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawac ay jirto, hase ahaatee tiro rasmi lama haayo, gaadiidka gurmadka degdega ayaa sheegaya inay qaadeen dhaawaca illaa 15 ruux oo carruur u badan yihiin.

Dadka dhaawaca waxaa ku jiro Guddoomiye kuxigeenka degmada Howlwadaag ee dhinaca amniga iyo siyaasadda.

Qaraxa ayaa gebi ahaanba burburiyay xarunta degmada iyo xafiisyadii ku yiil oo ay ku jiraan xafiiska Guddoomiyaha iyo kuxigeenadiisa.

Sidoo kale Qaraxa ayaa gebi ahaanba burburiyay dugsi Qur’aan iyo masaajid ku dhow xarunta degmada.

Khasaaraha ugu badan ayaa soo gaaray carruur dhiganeysay dugsi qur’aan oo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay qaraxa.

Wararka ayaa sheegaya in in carruur la la’yahay, waxaana burburka dhismaha dugsi qur’aanka lagu arkay haraadiga jir bani’aadam oo laga aqoonsaday gacamo iyo lugo go’an.

Qaraxa lagu weeraray xarunta degmada Howlwadaag ayaa ah kii labaad oo noociisa ah, iyadoo sanad ka hor weerar is qarxin kala degtay xarunta degmada Wadajir, kaasoo dad ka badan 15 ruux ku dhinteen.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *