Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

aliyaha Ciidamada Booliska Somalia oo Fariin Adag u diray Ciidamada iyo Waxa laga rabo

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Xijaar ayaa faray dhammaan Ciidanka Booliska in ay ku ekaadaan shaqadooda oo ah xaqiijinta amniga muwaadiniinta iyo hantidooda, si fiicanna ay ula dhaqmaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo Nabadgelayda, isla markaana looga hortagayo falalka ay maleegayaan dhagar qabayaasha Al-Shabaab, maadaama lagu guda jiro tobanka dambe ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Magaalada Muqdisho waxaa mudooyinkii dambe laga dareemay Saamaynta ka dhalatay Kala qaybsanaanta Ciidamada, iyadoona Qaar kamid ah Siyaasiyiintu ay Olole xoogan ka dhex wadeen, Sidoo kalana Xukuumadda waxaa la gudboon inay Ciidamada loo adeegsado Howlaha loo dhaariyey, ee Amniga dalka , islamarkaana aan lagu Cabudhin Siyaasiyiinta Kursiga uu Hunguriga uga jiro.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *