Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

aqalka sare ee baarlamaanka oo ansixiyey sharciga ilaalinta xoriyada iyo midnimada somaliyeed

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay Xeerka Dhowridda Gobanimada iyo Midnimada Geyiga Soomaaliya, kaas oo horay ay u soo ansixiyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Labadii maalmood ee la soo dhaacay ayaa xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ay aad uga doodayeen xeerkaan, iyadoo xildhibaanada qaar ay soo jeediyeen in dib loo dhigo.

kulanka maanta ayaa waxaa soo xaadiray 36-xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Waxaa ogolaaday xeerkaan 28-xildhibaan, waxaa diiday 6-xildhibaan iyadoo ay ka aamuseen labo xildhibaan oo kaliya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ugu danbayntii ku dhawaaqay in xeerkaan uu sidaa ansax kuyahay.

Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa loo gudbin doonaa xeerkaan maadaama uu ka soo gudbay Baarlamaanka Soomaaliya, marka uu saxiixo madaxwaynaha ayaana lagu soo saari doonaa faafinta rasmiga ah

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *