Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Axmed Madoobe oo ka digay Duulaan uga yimaada Muqdisho

Madaxwaynaha maamulka Jubbaland  Axmed madoobe  ayaa sheegay in uu Magaalada Nairobi kula kulmay Masuuliyiin kasocday Beesha Caalamka iyo is arag ay yeesheen madaxda dowlad Goboleedyada kaas oo salka ku hayay sidii xaalada uu wadanku ku sugan yahay horay looga dhaqaajin lahaa isla markana qof walba uu dib u eego marxaladahii adkaa ee dalku uu soo maray iyo in aan marna dib loogu noqon.

Wuxuu xusay  in shirkaas uu kasoo baxay in Shir Siyaasadeed oo Siyaasada dalka iyo habka ay ku socoto lagaga hadlayo uu ka dhaco Magaalada Garowe waxaa uu sheegay Madaxweynahu in Siyaasada oo aan heshiis lagu ahayn aan xal laga gaari karin Arimaha doorashooyinka dib u habaynta Dastuurka qaybsiga awoodaha dhaqaale iyo dhamaan waxyaabaha danta weyn u ah dalka.

Axmed madobe ayaa ka hadlay Arimaha Amniga ee Jubbaland isagoo sheegay in xaalada Jubbaland mar walba la saadalinayay in xalkeeda iyo nabadgalyadeedu dheeranayso iyadoo loo sababaynayo kala duwanaanshaha qabaa’ilka deegaanka balse dadaaladii iyo dib u heshiisintii la sameeyay ay wax badan ka tartay wadajirka iyo isku duubnida Bulshada taas oo ilaa hada loo baahan yahay joogtaynteeda si aan dib loogu noqon.

Waxaa Madaxweynahu uu ka digay in xaalado Amniga lid ku ah iyo qulqulatooyin laga soo abaabulayo magaalada Muqdisho taas oo cida ku lugta leh ay masuuliyadeeda iyo waxa ka yimaada qaadayso.

Arimaha Doorashooyinka ayuu xusay Madaxweynahu in ay dhici doonto doorasho xalaal ah oo cad isla markana sharciga la raacayo qofkii ku guulaystana uu si rasmi ah masuuliyada ula wareegi doono taas oo ka dhigan in qofka xilka qabtaa uu halkiisa kasii wadayo Dowladnimada iyo sharciga halka markii hore meel ebar ah wax laga bilaabay sida uu madaxweynahu sheegay dadweynaha Xasiloonidooda iyo hormarka la gaadhay ayuu xusay in loo bahan yahay in la ilaaliyo oo dano gaar ah aan dib loogu celin.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *