Banaanbax ka dhacay magaalada BADHAN ee Maanta iyo Wafdi balaaran oo gaadhay badhan
|Banaanbax ka dhan ah Somaliland ayaa goor dhowayd ka bilowday magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag Xili maalintii shalay uu deegaan dhaca Bariga Sanaag dagaal ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo Kuwa Puntland.
Dhinaca kale Wasiirka wasaaradda Amniga Puntland Cabdisamad Gallan iyo wasiiru-dowlaha wasaaradda deegaanka iyo beeraha Cabdirashiid Gellle oo soo gaadhay magaalada Badhan ayaa dadka mudahaaradayey la hadlay.
Waxaa kale oo Badhan iyana saaka gaadhay Taliyaha Booliska Puntland Muxiyadiin Gacamay iyo saraakiil sar sare oo ka Tirsan maamulka Puntland.
Waxaa Xaalad Kacsanaan ah laga dareemaya Qaybo kamid ah Gobolka Sanaag, Iyadoo maalintii shalay uu dagaal dhexmaray Ciidamo ka tirsan Puntland iyo Somaliland.
Dagaalka ayaa gaystay khasaare isugu Jira dhimasho iyo dhaawac, Kadib markii uu Wasiirka Waxbarashada Puntland gaadhay magaalada Yubbe oo dhowaan ciidamo ka tirsan Somaliland ay la wareegeen.