Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Banaanbayo lagu taageeray Madaxwayne Qoor Qoor ka dhacay Meelo Badan [Sawirro]

Dibadbaxyo xoogan oo lagu taageerayey Madaxwaynaha  cusub ee Galmudug ayaa maanta ka dhacay deegaano ka tirsan Maamulka Galmudug.

Banaanbaxyada oo ahaa kuwa ballaadhan ayaa si isku mid ah waxa ay uga dhaceen magaalooyinka Dhuusamareeb, Cadaado, Caabudwaaq iyo Gaalkacyo.

Boqolaal dadweyne ah oo taageersanaa doorashada hoggaanka cusub ee Galmudug ayaa isugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee magaalooyinkaasi.

Sidoo kale dibadbaxayaasha oo watay boodhadh ay ku xardhan yihiin sawrirka madaxweynaha cusub ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo ku xigeenkiisa ayaa ku qeylinayey erayo ay ku soo dhoweynayaan mas’uuliyiintaasi.

Ammaanka ayaa sidoo kale si aad ah loo adkeeyey, waxaana goobaha ay ka dhaceen dibadbaxyada ku sugnaa ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug.

Doorashada dowlad goboleedka Galmudug oo muddo ku jirtay is jiid jiid siyaasadeed ayaa shalay la soo gabagabeeyey, waxaana Dhuusamareeb lagu doortay hoggaan cusub.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *