Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Beesha Warsangeli oo Xildhibaan aan ka helin Somaliland iyo Puntland oo si lama filaan ah uga Hadashay

Beesha War-sangeli oo kamid ah Beelaha deegaanada Badan ku leh Gobolka Sanaag, Ayaan wax Xildhibaan ah ku yeelan Somaliland , Kadib Doorashadii dhowaan dhacday, Waxaana Puntland oo Arintaasi ka hadashay ay sheegtay in Shacabka Sanaag ay diideen inay Codeeyaan, Sidoo kalana meelaha aan sida wayn dadku Cod uga dhiiban waxaa kamid ah gobolka Sool.

“Shacabweynaha Reer Sanaag waa ku mahadsantihiin inaad ka hortimaadeen si aan kala har laheyn, isku daygii Doorasho ee Maamulka Somaliland. tanina waa natiijada dadaalkii ugu danbeeyay ee ay Gobolka ku bixisay Dowladda Puntland, sida hirgelinta Dowladdnimada, dhismaha Ciidamada Gobolka, Adeegyada Dowliga ah iyo hirgelinta xarumaha Hay’addaha Dowladda ee heer Gobol.

Waxaan rajeynaya dadweynaha Gobolku hadda inay diyaar u yihiin kana qeyb qaadan doonaan isdiiwaangelinta doorashada goleyaasha deegaanka oo dhowaan ka wada hirgeli doonta dhammaan degmooyinka Puntland oo dhan.

Sidoo kale waxaan iyagana bogaadinaya dadweynaha Gobolka Sool, oo iyana si aqlabiyad leh ugasoo horjeestay isku day Doorasho oo la rabay in lagu khasbo. “ Ayuu yidhi Afhayeenka Madaxwaynaha Puntland Jaamac Dabaraani.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *