Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

cadowga somaliyeed oo xarunta safaaradaha jooga somaliya ee xalane madaafiic u garaacay

Xalane waa xarunta dadka safaaradaha ajaanibta ah iyo  Amiison u ah hooyga ay somaliya ka degan yihiin.Taliska ciidamada AMISOM ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey weerar xalay lagu qaaday Saldhiga ugu weyn ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Soomaaliya ee Xalane, waxa ayna sheegeen in ay iska difaaceen weerarkaas.

Ka dib weerarkii lagu qaaday xarunta amison waxaa cod baahiyaha soo qabsaday Afhayeenka ciidamada AMISOM ee kusugan gudaha dalka Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay jawaab ka bixiyeen, isla markaasna ay ka hortageen weerarkan.

Afhayeenka ayaa sheegay in uu weerarkan Xerada Xalane uga yimid dhinaca Xeebta Jaziira, isla markaasna ay AMISOM iska difaacday, isagoo sheegay in uu u badnaa madaafiic lagu soo garaacay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in uu jiro khasaare soo gaaray ciidamada AMISOM & dhismaha Xaruntan, oo ay degan yihiin inta badan Safaaraddaha dawladdaha Reer galbeedku ku leeyihiin Caasumada Soomaaliya

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *