Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

ciidamada badda ee puntland ayaa sheegay iney qabteen doonyo sharci darro ku kaluumaysanyey

Wararka ka imaanaya degmo xeebeedka EYL ee gobalka Nugaal ayaa sheega in ciidamada badda Puntland weerar ku qaadan maanta doonyo si sharci darro ah uga kuulaysanayay deegaannada bari ee  Puntland.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada badda Puntland gacanta ku dhigeen saddex nin oo labo ka mid ah u dhalatay dalka Yamen iyo labo doonyood,halka ay fakadeen labo doonyood oo kale iyo ragii watay.

Sidoo kale, ragga la qabtay ayaa lagu warmayaa in labo kamid ah ay dhaawac yihiin laguna dabiibayo isbitaal ku yaal degmada EYL ee gobalka Nugaal oo ka mid ah meelaha ugu badan ee ka qowlaystaan Kaluumaystada sida sharci darada ah uga jilaabta xeebaha Soomaaliya.

Dhinaca kale,Sargaal ka tirsan ciidamada Badda Puntland ayaa sheegay in dhinacooda uu san wax-khasaara ah ka soo gaarin wareerkii ay maanta ku qaadeen Afar doonyood oo si sharci daro ah ugu kaluumaysanayay xeebaha Puntland.

Ugu danbayntii, ma’aha  markii ugu horaysay oo ciidamada badda  Puntland ay gacanta ku so dhigaan kaluumaysto si sharci daro ah u jooga xeebaha Soomaaliya iyo qalabkii ay wateen,tiro ka dhowr jeer oo hore ayay so bandhigeen

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *