Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Ciidamada deegaanka Somalida ee loo diray Dagaalka Tigreega iyo Mustafe Cagjar oo Sagootiyey (Daawo)

Madaxweynaha Dawlad deegaanka Soomaalida  Mustafe Muxummed Cagjar, madaxa Xarunta Dhexe Ee Xisbiga Barwaaqo, Maxammed Shaalle, dhammaan masuuliyiinta Xukuumadda, Cuqaasha iyo odayaal dhaqameedka Deegaanka Soomaalida ayaa maanta sagootiyey Ciidanka Gaarka Ah ee DDS oo ka qeyb-qaadan doona hawlgallada qaran ee lagaga hortagayo TPLF.

Waxaa loo Qabtay Munaasibad Sagootin ah ciidamadan oo ka qayb qaadan doona hawlgallada dagaal ee ka socda gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi.

Siyaabo kala duwan ayaa bulshadu uga falcelisay Arintan, Balse waxaa Qorshe Guud oo ay ka Dambayso Xukuumadda RW. Abiye Axmed oo Dhamaan maamul goboleedyadda dalka itoobiya looga diyaariyey Duulaan Balaadhan oo ka dhan ah Ciidamada Tigreega.

Dhinaca kale  Hay’adda maamusha warbaahinta dalka Ethiopia ee EMA loo soo gaabiyo ayaa uga digtay warbaahinta shisheeye ee ka howlgasha dalkaasi in ay isticmaalaan hadallo sifo aan sax ahayn ka bixiya gobolka Tigray, sida ay sheegtay hay’addu, waxayna ka digtay in hay’adahaas ay la kulmi doonana tallaabo dhinaca sharciga ah.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *