Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

ciidamada puntland oo soo qabtay doonyo si sharci darro ah kaga kalluumeysanayay-badda-soomaaliya/

Ciidamada kala duwan ee maamulka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay Doonyo laga-leeyahay dalal shisheeye oo si sharcidaro ah kaga kalluumaysanaayay Badda.

Qoraal uu taliska Ciidanka PMPF ee Puntland soo dhigay baraha bulshada ayuu ku sheegay in iyaga oo kaashanaya Booliska degmada Xaafuun ee Gobolka Bari ay howlgal socday laba cisho kusoo qabteen Doonyo si sharci darro ah halkaasi kaga kalluumeysanayay.

Talisku ma sheegin tirada Doonyaha la qabtay iyo halka laga leeyahay, balse Ciidanka PMPF ayaa dhowr jeer oo hore gacanta ku dhigay Maraakiib iyo Doonyo jiriif ah, kuwaas oo marka dambe ragga wata lagu maxkamadeeyo gudaha Puntland.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *