Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Ciidamadii uu Turkigu Soomaliya u Tababaray oo Awood iyo Dhoolatus Ka muujiyey Aw-dheegle [Daawo]

Ciidamada Kumaandooska ee ka tirsan xoogga dalka ayaa maalin ka hor la wareegay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ciidamada oo ku hubeysan gaadiidka gaashaaman ay howlgallo ka wadaan degmada iyo tuulooyinka ku dhow dhow.

Sawirro laga soo qaaday ayaa muujinaya Ciidamada Kumaandooska oo difaacyo ka sameystay hareeraha Awdheegle, waxaana ciidamadan ay yihiin Ciidamadii Kumaandooska ee uu tababaray Turkiga.

Ciidamadan ayaa ku hubeysnaa hubka noocyadiisa kala duwan, sida qoriga M16 iyo qoryaha BKM, sidoo kale waxaa ay wateen gaadiidka gaashaaman ee ay dhowaan dowladda Qatar ugu deeqday dowladda Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa ah kii u horeeyay ee ay ka qeyb qaataan Ciidamada Kumaandooska ee uu tababaray Turkiga, iyadoo todobaadkan ay dalka soo gaareen qeybtii labaad ee Ciidamada Kumaandooska ee lagu soo tababaray dalka Turkiga.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *