Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Ciidamo ay DF Soomaliya ay gaysay Dhuusamareeb iyo Kuwo looga soo Qaaday

Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan DF Soomaaliya ayaa Maanta ka degay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, kuwaasoo diyaarado looga qaaday magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa waxaa wehliya saanad hub oo loogu tala galay inay ku Howl galaan iyo Gaadiidka aan Xabadu karin, Kadib markii dhowaan ciidamada dawladda lagu wareejiyey Amniga magaalada.

Dawladda ayaa sidookale Qayb kamid ah Ciidamadii la Qareemayay ee Ahlusunah ku Qaaday Diyaarado si loogu Furo Tababar islamarkaana loo dhiso Aqoontooda.

Dhowaan magaalada waxaa yimid Ciidamo lagu wareejiyey Xarumaha muhiimka ah ee Dawladda,  Waxaana  la filayaa in dhuusamareeb ay Marti geliso Shirka  dib u heshiisiinta Galmudug, Waxayna Tallaabooyinkan ka dhigan yihiin in dowladda Federaalka ay si buuxda u adkeyneyso joogitaankeeda magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamadii Ahlusuna ee deegaanka ku sugnaa ayaa lagu daray kuwa dowladda Federaalka, iyagoo tababaro loogu soo qaaday magaalada Muqdisho, waxaana arrintaas qeyb ka aheyd heshiis horay ay ula galeen dowladda Soomaaliya.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *