Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Ciidanka kumaandoosta ee Danab oo Alshabaab ka Qabsaday magaalada Aw-dheegle

Ciidanka Xoogga dalka ee sida gaarka u tababaran ee DANAB ayaa Al-Shabaab kala wareegay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Kadib    Howlgal ballaadhan oo ay sameeyeen ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,  Iyadoo deegaankaasi ay Alshabaab dadka ku dhibaatayn jireen.

Taliyaha ciidanka lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle sare Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay inay Ciidamadu Baadhitaano iyo Amni Xaqiijin ka wadaan Gudaha degmada iyo Nawaaxigeeda, Wuxuuna sheegay in Khasaare Xogan uu howlgalkaasi ka soo gaadhay maleeshiyada Alshabaab.

Degmada Awdheegle ayaa qiyaastii 70km koofur galbeed ka xigta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia, waa degmo caan ku ah beeraha iyo dalagyada kala duwan sida khudaarta noocyadeeda kala duwan.

Awdheegle ayaa dhowr jeer ay is bedeshay gacan ku heynteeda, iyadoo Al-Shabaab ay maamulayeen degmadaas afartii sano ee u dambeysay, kaddib howlgaladii sanadihii 2012 iyo 2013 ee ciidamada xoogga dalka kula wareegeen inta badan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sanadkii 2016 ayaa Ciidamo Mareykan ah iyo ciidanka DANAB ay weerar cir iyo dhul ku qaadeen degmadaas, waxaana ay si wadajir u weerareen saldhigyo dhowr ah oo Al-Shabaab ku lahaayeen degmadaas.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *