Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Daawo Sawirro: Wafdi ka socday DF-Soomaaliya oo Hoygiisa Ku Booqday Dr. Cali Ciise iyo Kulan dhexmaray

Wafdigii ka socday Dawladda Soomaaliya ee maalintii shalay soo gaadhay magaalada Garoowe oo ay kamid ahaayeen Wasiiro iyo Xildhibaano  ayaa maanta hoygiisa kusoo booqday Dr. Cali Ciise Cabdi.

Wasiirada kulanka la yeeshay Dr. Cali ayaa waxa akamid ahaa  Wasiirka Arimaha Dibada Axmed ciise, Wasiirka Shaqada iyo shaqalaha saalax ,
wasiira kaluumaysiga cabdillaahi Bidhaan, Wasiiru dawladaha maaliyada Maxamuud xayir iyo  Wasiir dawladaha boostada iyo isgaadhsiinta Cabdilaahi bile Nuur.

Sidoo kale Xildhibaanada kulanka ka Qayb galay ayaa waxaa kamid ahaa  Xildhibnaan xuseen iidaw, xildhibaan cabdishakuur cali mire, xildhibaan cali xoosh iyo xildhibaan Ayuub Ismaciil.

Kulan ayaa u dhaxeeyey Intaa kor kusoo xusnay iyagoo ay kawada hadlayeen sidii ayaha iyo mustaqbalka umada looga wada talin laaha ugu danbayn kulan ayaa kusoo dhamaaday guul iyo afgarad.

Dr. Cali Ciise Cabdi ayaa lagu xasuustaa inuu Noqday Musharixii keliya ee ku dhowaaqay inaanu wax Laaluush ah bixinayn, Isagoo sheegay inaysan Suuro-gal ahayn in isagoo Wakhti dheer dagaal kula jiray Musuqa inuu maanta kusoo baxo.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *