Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Daawo Video: Waxgaradka Buuhoodle & Wafti Muqdisho Yimid oo Go,aamiyey in Puntland lagu taageero xoraynta gobolka Sool (Sawirro)

29 June 2018 (Puntlandes) Waxaa magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ku sugnaa dhawaanahan wafdi Muqdisho Ka Yimid ee Kamid oo ahaa  Madaxwaynihii Hore ee Khaatumo Mohamed Yusuf Jamac iyo Aqoonyahay C/fataax Maxamed Cali, iyagoo shirar ka waday halkaas.

Tan iyo markii ay yimaadeen wafdigan halkaas ayaa waxaa jiray warar sheegaya inay halkaas u tageen sidii ay u xagal daacin lahaayeen hawlgalka ay wadao dawladda Puntland ee xoraynta dhulka uu haysto maamulka Somaliland.

Caawa ayaa waxaa magaalada Buuhoodle ka dhacay shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen Waxgaradka Buuhoodle iyo wafdigii Muqdisho, waxaana kullankaas kaga dhawaaqeenwafdigu inay Ka Qayb Galayaan Xoraynta dhulka lahaysto Ganacna ay kusiinayaan kuna taageerayaan Dawlada Puntland.

Madaxwaynihii Hore ee Khaatumo Mohamed Yusuf Jamac iyo Aqoonyahay C/fataax Maxamed Cali ayaa caddeeyey inay qayb ka yihiin, ayna waliba iyagu yihiin dawladda Puntland kuna garab istaagayaan hawlgalka ay wado.

Daawo muuqaalka

Daawo sawirrada
40b7

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *