Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Dad u dhashay Berbera iyo Burco oo loo Afduubay Xadhiga C.kariim Cali Nuur

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay Dablay hubeysan ay dad shacab ah ka afdtuubteen deegaanka Carrooley, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Dadka la afduubtay oo aan tiradooda la shaacin ayaa waxaa la sheegay inay kasoo jeedaan magaalooyinka Burco iyo Berbera.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in xilliga la afduubanayey dadkaasi ay ka soo baxeen beeraha Xalin oo ku yaalla agagaarka degmada Taleex ee gobolka Sool.

Sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay dableyda hubeysan ee afduubka geysatay ayaa ‘waxa ay ku heyb-yihiin Cabdikariin Cali Nuur ( Afhayeenka Beelaha Daarood ) oo mudo bil ah Somaliland ugu xidhan Bebera, kadib markii uu warbaahinta ka dhaliilay maamulkaasi.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *