Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

dadka ku eedaysan qaraxii diyaaradda daallo oo maxkamad la horkeenay

Maxkamadda ciidanka qalabka sida ayaa maanta si toos ah u bilowday dhageysiga dacwada loo heysto 13 eedeysano oo loo heysto weerarkii bishii Febraayo lagu qaaday diyaaradda Daallo Airline.

dhacdadan oo ahaayd mid aad u weyn ayaa Hey’addaha ammaanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa ajnabi ah ay in muddo ah baaritaan ku hayeen, iyadoo maalmo kadib shilkii Diyaaradda Daallo ay dowladda Soomaaliya ku sheegtay inuu ahaa weerar argagixiso ..

13-ka ruux ee la horkeenay Maxkamadda ayaa isugu jira saraakiil laamaha ammaanka garoonka diyaaradaha ka tirsanaa, howl wadeeno ka tirsan garoonka, xamaali iyo dad kale oo loo heystay inay wax ka abaabuleen weerarkan.

Inkastoo aanay wali Hey’addaha ammaanka dowladda soo bandhigin baaritaanka rasmiga ahaa iyo dadka loo qabtay weerarkii Diyaaradda Daallo, ayaa hadana kiiskan waxaa uu ahaa mid ay gacanta ku hayeen Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa dib u dhigay dhageysiga dacwada, isla markaana tilmaamay in mar kale dib la isugu soo laabto.

Weerarkii lagu qaaday Diyaaradda Daallo Airline 2-dii bishii Febraayo ee sanadkan ayaa waxaa mas’uuliyadeeda sheegatay Kooxda Al-Shabaab.

Diyaaradda Daallo ayaa xilligaas sameysay soo laabasho deg deg ah, wax yar kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana xilli ay hawada ku jirtay muddo ku dhow nusa saac ay hawada ku jirtay ka dhex dhacay gudaha diyaarada qarax loo adeegsaday laptop lagu soo xiray waxyaabaha qarxa.

Kaamirooyinka ammaanka ee garoonka diyaaradaha ayaa qabtay labo ruux oo Laptop u dhiibaya qof ka mid ahaa rakaabka diyaarada, kaasoo ahaa ninkii isku qarxiyay diyaarada, isla markaana ka dhex baxay duleel weyn oo diyaarada ka sameysmay markii qaraxa ka dhacay.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *