Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

dagaal khasaare geystey oo ka dhacay magaalada guriceel

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo waaberigii hore ee saaka ka dhacay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo ay qaadeen rag hubeysan oo maleeshiyaad ah.

Ragga weerarka ku qaaday Guriceel ayaa waxaa la sheegay inay ka gadoodsanaayeen Maxaabiis ku jirtay xabsiga Magaaladaas, waxaana iska horimaad kooban uu halkaas ku dhexmaray Ciidamada Booliska iyo ragga hubeysan ee maleeshiyaadka ahaa.
Inta la xaqiijiyay hal Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Maamulka Galmudug ayaa ku dhintay weerarka oo si kedis ah u dhacay saakay, halka mid kalena uu dhaawac soo gaareen, sida ay sheegeen Saraakiisha Taliska Booliska Magaalada Guriceel.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xabsiga Guriceel ay ka baxsadeen afar ruux oo Maxaabiis ahaa, kuna jiray xabsiga Magaalada, isla markaana maleeshiyaadka weerarka soo qaadeen ay ka gadoodsanayeen Maxaabiista baxsatay oo ku jiray xabsiga.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo ay uga hadlayan weerarka khasaaraha dhaliyey ee saakay ka dhacay Magaaladaas, waxaana socda howlgalo lagu raadinayo Maxaabiista ka baxsatay xabsiga.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *