Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Dagaalkii u dhexeeyay Maleeshiyo Kasoo jeeda Galmudug iyo P.land oo dib u Qarxay iyo Khasaaraha

Wararka laga helayo deegaanno hoostaga degmada Jarriiban ee gobalka Mudug ayaa kusoo warramaya in dagaal mar kale uu maanta ka qarxay.

Dagaalka maanta waxaa ku dhintay in ka badan 20-Ruux,  Iyadoo Dagaalku uu dhexmarayo  beelo halkaas deggan, Waxaana sii kordhaya Khasaaraha uu gaystay dagaalku.

Deegaanka Af-barwaaqo ayaa dhowaan  waxaa ka dhacay dagaal gaystay Khasaare kala duwan, Iyadoona dagaalka maanta dib u soo cusboonaaday ayaa caqabad ku noqon kara dadaallo nabadeed oo socday kuwaasi oo lagu doonayay in lagu dhammeeyo colaaddii Hore.

Waxgarad iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada Dhuusmareeb ayaa Baaq Nabadeed kasoo saaray Colaada kasoo Cusboonaatay deegaankaasi.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay ugu baaqday in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo colaadda kasoo Cusboonatay deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee Bariga gobolka Mudug, oo u dhaxaysa Maleeshiyaad kasoo jeeda Puntland iyo Galmudug.

Waxaa jira Qorshe ay dawladdu ku doonayso Inay Ciidamo isku dhaf ah kala dhexdhigto Labada Maleeshiyo Beeleed.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *